2 ujeedo oo madaxweyne Farmaajo uu ka leeyahay kuraasta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ujadada ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo ka damacsanaa saxiixa 13-ka kursi ee gobalka Banaadir si ku meel gaar ah ugu yeelanayo Aqalka Sare ayaa lagu sheegay laba arrin.

Dadka siyaasada Soomaaliya xog ogaalka u ah ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka damacsanaa saxiixaas:

1- In uu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in haddii arrinta Gedo oo aheyd heshiis is afgarad ah lagu soo darayo heshiiska doorashada Soomaaliya kanna lagu soo daro, isagoo cadaadis ku saaraya maamulada Puntland iyo Jubaland. 

Madaxweynaha ayaa rumeysan in arrinta gobolka Banaadir ay u noqon karto gorgorton uu Gedo uga fujiyo Axmed Madoobe, maadaama Jubaland iyo Puntland ay aad uga soo horjeedaan in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

2- In hogaamiyeyaasha muacaarad ee Hawiye, sida, Madaxweynauaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ay taageeraan saxiixiisa maadaama ay gobalka u dhasheen, taas oo haddii ay dhici laheyd ay ku waayi lahaayeen garab istaagga ay hadda ka helaan maamulada Puntland iyo Jubaland. 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, oo horey u ogaa qorshaha ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “Goluhu wuxuu arkaa in ay xaq dastuuri ah tahay in gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare, laakin ayna nasiib darradu tahay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay u kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheeynaayo Bulshada Soomaaliyeed.”

Sida muuqata Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si aan toos aheyn uga laabtay saxiixiisa kadib markii uu xalay sheegay in shirka Dhuusamareeb kaliya looga hadli doono heshiiskii 17-kii bishii September ee sanadkii hore lagu gaaray Muqdisho. Heshiiska qeyb ka aheyn arrinta Muqdisho.