Shabaab oo ku jabay weerar ay ku qaadeen saldhigga militeriga Somalia ee Bariire

Bariire (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay ku dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsaa Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Bariire.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay ka war-heleen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo ah, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Ciidamada deganaa saldhigga Bariire oo ka tirsan Ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka ayaa sii baacsaday dagaalamayaashii soo weeraray ee Al-Shabaab, waxayna saraakiisha ciidamadaas sheegeen in illaa 40 KM ay sii raacdeynayeen, isla maraana ay gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac badan.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka dileen 16 dagaalame.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay in ugu yaraan 20 kale ay uga dhaawaceen howlgalkii ay uga hor tageen weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ee ku yaalla Bariire.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in hadda ay ciidamada dowladdu howlagllo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano hoos taga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka midyihiin Shaam iyo Baladul-Aamiin oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.