Wararkii ugu dambeeyey wakiilada beesha caalamka oo la kulmay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa kulan wadajir ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, sida lagu shaaciyey qoraalo ay baahiyeen dhinacyadu.

Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen wakiillada Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad  goboleedyada.

Qoraal kooban oo kulankaas kadib ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wadajir caawa ku qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.”

Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraal ay ka soo saartay kulankaas waxay ku tiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya. Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo. Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.”

Kulankaan ay wakiillada beesha caalamku caawa la yeesheen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday saacado kadib markii ay maanta xubanaha beesha caalamku shir kale la yeesheen  Ra’iisul Waasaaraha xukuumadda xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas qoraal uu baahiyey xafiiska R/Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhaba.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay isugu keeni laheed madaxda Soomaalida oo ku heshiin waayey hanaankii ay doorasho uga qaban lahaayeen dalkan, waxayna hadda caqabadda ugu weyn ka taagan tahay qabsoomidda shirweyne dhex mara madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si heshiis ay uga gaaraan kala aragti duwanaashaha jira.