Maxaa looga hadlay kulankii Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Lafta-gareen oo ayagu isku mowqif ka ah xiisada doorashada dalka oo meel xasaasiya mareysa.

Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed oo xulufo dhow la ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa waxay ka wada-hadleen khilaafka doorashada iyo kulamadii u dambeeyay ee ay la qaateen mdaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kulankaan diirada ku saaray sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynaha doorashooyinka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo xiligan ku gudban yihiin caqabado hor leh.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay hakad galeen wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee u dhaxeeyay shanta madaxweyne, kadib markii ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shuruudo ku xireen ka qeyb-galka shirweyanahaas.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay isku dayey inay qanciyaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb-galaan shirka Teendhada Afisyooni.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka guracan ee Farmaajo, kadib dhacdada weerarkii 19-kii Febraayo, waana mida keentay in wax is-faham buuran ah laga gaari waayo kulamadii u dambeeyay.