Odowaa oo shaaciyey xiliga ay Muqdisho ka baxayaan ciidamada babaado qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa wareysi uu siiyey telefishanka Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo xasaasiya.

Xildhibaan Odowaa ayaa ugu horeyntii in xaalada dalka iyo qalaalasaha ka taagan uu sabab u yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona sheegay inuu leeyahay mas’uuliyada dadweynaha dhawaan ku barakacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu shaaciyey in magaalada Muqdisho aysan ka baxeyn ciidamada kasoo horjeeday muddo kororsigii la laalay, ilaa inta la dhameystirayo wada-hadalo bilow ah oo la iskugu laab-xaarayo saraakiisha iyo ciidamada, taasi oo waqti u baahan, sida uu sheegay.

“Mas’uuliyada qaxa waxaa iskaleh Farmaajo (mas’uuliyada barakaca). Wada-hadal ayaa ka socda mida ciidamada markaa miraheeda hala gaaro, waqti ayey u baahan tahay. Taliyeyaal ciidan ayaa jira oo ciidamadaan ay ishaysteen oo shalay iska soo horjeedee,” ayuu yiri.

Wasiirki hore ee arimaha gudaha DFS ayaa inta uu wareysiga socday ka jawaabay su’aal la xiriirtay inuu Jeneraal Saadaq John u difaacayo beel ahaan?, maadama markii uu kasoo horjeestay Farmaajo uu si weyn ugu muujiyey garab istaag.

“Haa!, ceeb miyaa xildhibaankiisa ayaa ahee, aniga kursiga aan ku fadhiyo beel sow kuma fadhiyo, waxaa ku fadhiyaa 4.5,” ayuu yiri Xildhibaan oo ka jawaabaya su’aasha la xiriirta in Saadaq John ay ku difaacayaan garab qabiil, islamarkaana ugu hiiliyeen kadib markii ay is-qabteen Farmaajo.

Xildhibaan Odowa ayaa ugu dambeyntiina sheegay in qaybaalada uu dib usoo nooleeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu xusay inuu wada-hadalo masiiri ah u bur-buriyay deegaanka uu kasoo jeedo ee Gedo.