Qarax ka dhacay Jowhar oo lala beegsaday Kolonyo gurmad ah (Faah-faahin)

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaraxa nooca Miinada ah uu ka dhacay deegaanka Buur-kaama bareeye ee magaaladaas, kaasi oo lala eegtay Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal qaraxaas ayaa waxa uu haleelay ciidamo la socday kolonyo gurmad ah oo uu hogaaminayay guddoomiyaha, xiligaas oo Ciidamo kale oo duleedka magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda.

Qaraxa Miino ayaa waxa ku geeriyooday askar ka tirsan ilaalada guddoomiyaha oo ilaa inta la xaqiijiyey dhan saddex askari, halka kuwa kalena ay ku dhawaacmeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay.

Qaraxaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis iyo ciidanka Danab oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray.

Dagaalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii  ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle.

Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.