Qatar oo isku dayeysa inay bedesho dhex-dhexaadintii uu Imaaraadka ka laabtay

Doha (Caasimada Online) –  Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan.

Al-Thani ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan.

Ra’iisal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka gudoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Waxaa looga hadlay kulankaan xiriirka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia.

Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

“Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku wajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yiri Ku-xigeenka RW Qatar.

Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay.

Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka.

Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan.