Xog: DF oo Muqdisho ku xayirtay diyaarad ku socotay Garbahaareey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in maalintii 3-aad garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku xayiran-yihiin dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo. 

Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Si rasmi ah looma oga tirada dadka ku xayiran garoonka Muqdisho hase yeeshaa waxaa lagu sheegay ku dhowaad 40 oo la socday diyaaradda oo qaada 60 qof. 

Dadkaan ayaa sidoo kale loo diday in ay ka baxaan garoonka waxaana laga ilaalinayaa in ay la hadlaan warbaahinta. Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan uu ku socda laba qof oo rakaabka ka mid ah. 

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka. 

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Rooble uu guddi u saaray in dib u heshisiin loo qabto dadka gobalka Gedo gaar ahaan reer Garbahaareey si loo guda galo doorashada Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in arrintaan ay culeys ku keeni doonto dedaalada socdo. 

Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.