Daawo: Jubaland oo shaacisay sababta ay u celisay Cabdi Cali Raage iyo xog yaab leh

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdadii maanta dib loogu celiyay diyaarad uu saarna La-taliyaha Farmaajo, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa saaka ku wargaliyay diyaaradii siday Cabdi Cali Raage in aysan ka soo dagi karin magaaladda Kismaayo, taasi oo keentay in diyaaradu dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Waxa uu sheegay in maanta ciidamada ka war-heleen in Raage oo magac been abuur ah uga soo safray magaalada Muqdisho, uu ku soo wajahan yahay Kismaayo, taasi oo keentay in Pilote-kii diyaarada lagu amro in uusan soo degin karin, islamarkaana uu ku laabto Muqdisho.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka warhelnay in kooxo soo abaabulayeen inay soo geliyaan hub sharci darro ah gudaha magaalada Kismaayo, kooxahaas oo uu hormuud u ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage si amniga magaalada ka jiro khal-khal u galiyaan, ayada oo la ogyahay inay soo dhowdahay doorashooyinka federaalka oo amniga magaaladana la adkeeynayo” ayuu yiri.

“Waxaa maanta ka warhelnay in uu kasoo kicitamay (Cabdi Raage) asaga oo adeegsanaya magaca aan magaciisa aheyn, baaritaan kadib waxaan ogaanay in diyaarad kasoo kacday Muqdisho uu saaran yahay, waxaana ku celinay meeshii ay kasoo kacday.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada amaanka Jubbaland ay marwalba u taagan yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan cid walba oo isku dayda inay ka shaqeeyan khal-khal gelinta amaanka maamulka iyo waxkasta oo lid ku ah, hadey guddo tahay iyo haddey dibed tahay, sida uu sheegay.

Jubbaland ayaa ku eedeysay Cabdi Cali Raage inuu muddo ka shaqeynayay curyaaminta maamulkooda, islamarkaana uu kamid yahay dadka isku dayey inay ka faa’iideystaan khilaafka dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.