Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Garbahaarey iyo wararkii ugu dambeeyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo halkaas oo uu u tagi doono arrimo la xiriiro doorashada ka dhaceyso magaalada iyo sidii loo sugi lahaa Amniga doorashada.

Waxaa Maanta lagu wada in degmada Garbahaarey ay gaaraan wafdi hordhac u ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble si ay usii diyaariyaan soo dhaweynta wafdiga.

Sidoo kale Maanta waxaa Magaalada Garbahaarey loo daabulayaa ilaalada gaarka ah ee Ra’isulwasaaraha, waxaa sidoo kale halkaas la geynayaa gawaarida aan xabadda karin oo uu adeegsan dooni Ra’isulwasaaraha inta uu joogo hallkaas.

Sida ay illo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaare Rooble u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey gaaro Maalinta Berri ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey kula kulmo  siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ee diidan Maamulka Axmed Madoobe.

Rooble ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Garbahaarey kala hadli doono doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubbaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada Garbahaarey.

Magaalada Garbahaarey ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhex jira dadka dega gobolka Gedo iyo maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe.

Tagitaanka Rooble ee Garbaaharey ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada loo diiday inay tagaan Xildhibaano hore iyo mas’uuliyiin kale oo waday olole ku aadan inay helaan guddoomiyaha Garbahaarey ee dhawaan la magacaabi doono kaasoo maamulayo kuraasta taalo degmadaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay diiday inuu Magaalada Kismaayo ka dago La taliyaha arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage oo la sheegay inuu u tartami doono kursi yaalo magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.