Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka Afrika iyo madaxweynihii oo la qabtay

Conakry (Caasimada Online) – Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Madaxa ciidamada gaarka ah ee militariga Guinea, Mamady Doumbouya oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri Mamady Doumbouya.

Mamady Doumbouya ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Muuqaal kale oo kooxda afgambiga ay usoo direen wakaaladda wararka AFP, ayaa muujinaya Conde oo u muuqda mid jahwareersan oo ku fadhiya kursi, kuna hareereysan yihiin ciidamada. Wuxuu diidayaa inuu ka jawaabo su’aal uu askari weydiiyey oo aheyd haddii si xun loola dhaqmay.

Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Conakry, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in xiisadda ay ka dhalatay kadib markii la eryey taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah – taasi oo dhalisay in qaar ka mid ah askarta sida aad ah u tababaran ay gadoodaan, oo ay qabsadaan madaxtooyada.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii.

Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah.

Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin. 

Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.