Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta wax ay ka dhaceen gaaray, kuwaas oo isku geedaamay halkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudihiis ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.