AL-SHABAAB oo khasaare lagu gaarsiiyey DAGAAL ka dhacay magaalada JANAALE

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu qaatay dhowr saacadood, isla-markaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimash & dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dagaalka ku dileen labo xubnood, isla-markaana ay ka qaateen hubkii ay wateen oo ahaa laba qoray oo AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Goobihii lagu dagaallamay waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada nawaaxiga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.