Sawirro: Axmed QOOQ QOOR oo MUQDISHO soo gaaray caawa iyo ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo mudooyinkaan uu ka maqnaa.

Wafdiga Qoor Qoor ayaa galabta ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si dhab ahna looma shaacin qorshaha safarkiisa Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor oo looga hadlay safarkaan ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada XFS iyo xubnaha labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.”

Imaatinka Madaxweynaha Galmudug ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro khilaaf iyo is aaminaad xun oo ka dhalatay boobka ku socda doorashada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qoor Qoor uu Muqdisho uga sii gudbi doono dalka Turkiga. Sidoo kale waxaa suurta-gal ah inuu kulamo la qaato Midowga Murashaxiinta oo qaadacay doorashada.

Galmudug ayaa ka mid ah maamullada qabtay doorashada xubnaha golaha shacabka ee beelihii lahaa kuraastaas ay ku doodayaan in la boobay, sidoo kale waa maamulka ugu daran ee u dakanoobay doorashadaan.

Ilaa laba beelood oo kala ah Waceysle iyo Mareexaan ayaa horay ugu goodiyey inay isaga baxayaan maamulka Galmudug ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, kadib markii loo madax baney waayey aaya ka talinta kuraastooda.