Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Hoggaamiyaha Golaha Madaxtooyada ee dalka Liibiya Maxamed Yuunis Al-Manfi, waxuuna kala hadlay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee shalay laga soo daayey xabsiyada Libiya iyo kuwa weli ku jira.
Farmaajo ayaa ugu horeyn hoggaamiyaha wadanka Libya uga mahad celiyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa xabsiyada dalkaas.
Qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay xiriirkaas taleefoon ayaa lagu yiri, “Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.”
Hoggaamiyaha Libya Maxamed Al-Manfi ayaa dhankiisa sheegay in ixtiraam iyo qadarin badan ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soo deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.
Intii uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu ka socday shirkii iskaashiga dalalka Afrika iyo Turkiga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha Libya, xilligaas ayaa la sheegay inuu ka codsaday in xabsiyada Liibiya laga soo daayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka ku gashay dalkaas.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: