HirShabelle oo soo saartay digniin la xiriirta doorashada

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shaaciyay shuruudaha laga rabo dhamaan musharaxiinta rabta inay u tartamaan kuraasta ku harsan maamulkaas ee Golaha Shacabka, waxayna ka digtay in lacagta musharaxiinta lagu shubo akoono gaar ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Musharax kasta uu xaq u leeyahay in uu u tartamo kursiga ku asteysan jufadiisa, taasi oo meesha ka saareysa doonistii qaar kamid ah madaxda sare ee maamulkaas oo rabay inay dad gaar ah u xiraan kuraasta.

Guddiga ayaa shaaciyay in Musharaxiinta raga ah laga rabo lacag diiwaan-gelin oo dhan Toban kun oo dollar ($10,000), halka Musharaxiinta Dumar ah lag rabo shan kun oo dollar ($5000).

“Ma jirto wax lacag kale ah oo aad ku shubi karto account shakhsiyadeed ama Cash aad la imaaneyso xarunta guddiga Doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga “Hadii aad la kulanto mid kamid ah guddiga doorashada oo dalbanaya lacag, waxaan u aqoosan doona Tuug khaa’in ah oo aan ku hadli karin afka guddiga sharafta leh ee Hirshabelle. Waxaan diyaar u nahay in aan ku qaadno ciqaabta uu muteysto, waxaana goobta doorashada diyaar kuugu ah xubno ku sifoobay daacadnimo iyo hufnaan kuuna qaban doono shaqadaada insha allah.”

Musharaxiinta ayuu uga digay guddiga waxkasta oo la xiriira laaluush, taasi oo ay sheegen inay ka hor imaaneyso “heshiiska ilaalinta anshaxa Musharaxa oo uu marka hore saxiixo musharaxa u taagan kursi, kaas oo ka mamnuucaya in uu bixiyo laaluush.”

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka si cad loogu sheegay in Musharaxa isku daya in uu laaluush bixiyo ama maro sifo ka duwan hanaanka ay u dajiyeen ay ka hor istaagi doonaan doorashadiisa, ama ay ku buri karto niijada doorashada haddii uu kusoo baxo, kuna cadaato wax isdaba-marin.

Madaxda sare ee maaamulka HirShabelle oo toddobaadkii u dambeeyay isku hayay doorashada kuraasta ku harsan maamulkaas, ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in laga dhigo kuwa daah-furan oo cid gaar ah loo xirin.