27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Muuse Biixi oo shaaciyey in Mareykanku usoo dabcay Somaliland (Wareysi cusub)

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sugan dalka Maraykanka ayaa sharaxay waxyaabaha u qabsoomay illaa hadda iyo qorshaha socdaalkooda ay ku joogaan magaalada Washington DC.

Muuse Biixi oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaliga ee VOA ayaa sheegay in madaxda Maraykanka ay kala hadleen arrimaha aqoonsiga iyo wax wada-qabsiga, sidoo kale Muuse Biixi ayaa carabka ku dhuftay in Mareykanku uu dalbanayo saldhig militeri oo Somaliland laga siiyo, inkastoo uu balan qaaday in arrintaas uu dib ka faahfaahi doono.

Sidoo kale Muuse Biixi wuxuu cadeeyey in qorshahoodii aqoonsi raadiska ahaa ay ka gadi waayeen Mareykanka oo lagu qasbanaaday in meel la iska dhigo oo labada dhinac ay ka wadahadlaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.

“Mareykanka laba meelood ayaan kala taaganahay anaga waxa noogu weyn waa aqoonsiga, ayaguna waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in hadda uu Mareykanku aad ugu soo dabcay dhankooda oo wafdigiisa uu ka dalbaday in arrinta aqoonsiga dib loo dhigo ee hadda laga wadahadlo iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri, “Masuuliyiintii Mareykanka ee aan la kulanay waxaan ka dareemeynay inay aad uga dhowyihiin sidii hore oo ay ahaa jireen, laakiin waxay yiraahdeen aqoonsiga xagga noo dhiga ee aan ka hadalno inaan wax wada qabsano, 3-qodob ayaan ka wadahadlnay Mareykanka.”

1 – Dhaqaalaha, waxaa ila socday ganacsatadii Somaliland, waxaana ka dalbanay in ganacsatadeena aan Muqdisho loo afduubin oo Bangiyadeena xayiraada gardarada ah laga qaado.

2 – Siyaasadda, Mareykanka hadda waxaa ku furan arrinta Ukraine iyo siyaasado kale oo waaweyn, waxaana laga yaabaa in tan Somaliland inta badan xoogga ma saarayo, laakiin qorshahooda labaad ayaa ah in Somaliland ay wax la qabsadaan.

3 – Tan sedaxaad waa in wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka la faray inuu la howlgalo Somaliland.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa wareysigaan uga hadlay xiriirka ay la leeyihiin Taiwan, waxuuna sheegay inay isku baahi yihiin oo labada maamulba ay aqoonsi raadinta ka wadasiman yihiin, dhawaana ay  Taiwan gudaha Somaliland ka bilaabi doonto Shidaal qodis.

Mar wax laga weydiiyey in Shiinuhu uu ka carooday wiriirka ay la sameysteen Taiwan  waxa uu ku jawaabay in Somaliland ay dooneyso in Shiinaha laftiisa ay xiriir la sameysato, hadii ay u suurta galeyso.

Hoos ka dhageyso wareysiga

- Advertisement -

Read more

Local News