Sixitaan iyo cudur daar: Sacuudiga xayiraad duulimaad ma saarin Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay ka cudur daaraneysaa, islamarkaana saxeysa war si khaldan uga baxay saaka, oo aan ku sheegnay in Sacuudiga ay dalkooda ka mamnuuceen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imanaya Soomaaliya.

Warka sida aan u dhignay ma aheyn, ee waa in muwaadiniinta Sacuudiga laga mamnuucay inay u safraan Soomaaliya iyo 15 dal oo kale, sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Waxaan xaqiijineynaa in Sacuudi Carabiya aysan wax xayiraad duulimaad ah kusoo rogin Soomaaliya ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ay si caadi ah ugu safri karaan Sacuudiga, maanta dad Soomaaliya ka baxay ayaa tegay Sacuudiga.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee muwaadiniinta Sacuudiga laga mamnuucay inay u safraan ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa caalamka ka jira walaac ku saabsan cudurka busbuska oo laga soo weriyey boqol dal oo ay ku jiraan dalal aan lagu aqoon, balse ma horseedin in lasoo rogo wax xayiraad duulimaad ah. 

Warkii khaldanaa hoos ka aqriso 

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boqortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la sheegay inay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aankan ay Riyadh ku beegsatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah mid jahwareer leh, sababo la xiriira inaan Soomaaliya laga werin wax sare u kac kiisas ah oo la xiriira cudurka COVID-19. 

Go’aankan ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaalia ah oo isu diyaarinayey inay u cumreystaan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanadkan oo ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan, waxaana suurtagal ah in xayiraadda Soomaalida la qaado kahor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa caalamka ka jira walaac ku saabsan cudurka busbuska oo laga soo weriyey boqol dal oo ay ku jiraan dalal aan lagu aqoon, balse ma horseedin in lasoo rogo wax xayiraad duulimaad ah.