Maxay ka dhigan tahay in Xasan uu safarkiisa ugu horeeyo ku tago Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii toddobaadkan safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, xili uu isbedel ka dhacay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa dalkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

Safarkaan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu-Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Soomaaliya, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in madaxweyne Xasan uu safarkiisi u horeeyo ku tago dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta?

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Imaaraadka uu ku tagay madaxweyne Xasan uu yahay ka dhabeynta hal-ku-dhigiisa siyaasadeed ee dalka, kaasi oo ahaa Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah.

Dalxa ayaa xusay in Imaaraadka uu kamid ahaa dalal xiriirkooda Soomaaliya uu mugdi badan ku gadaamna sanadihii lasoo dhaafay, sidaas darteedna uu madaxweynaha muhiimad gaar ah u siiyay, taasi oo ka dhigtay in safarkiisa u horeeya uu ku tago Imaaraadka.

“Imaaraadka 5-tii sano ee dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo xiriirkooda ma waangsaneyn, marka waxa uu ka turjumaya (safarkiisu) in madaxweyne Xasan uu ka dhabeynayo ballan-qaadkiisi oo uu doonayo in uu ka dhabeeyo hagaajinta xiriirka dalalka dibedda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Madaxweynaha tallaabada uu qaaday waxay ka turjumaysa dad heshiis ah oo adduunkana heshiis la ah.”

Dalxa ayaa ku bogaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda uu ku wajahayo arrimaha dibedda iyo in xiriir wanaagsan lala yeesho dalalka caalamka, oo sanadihii dambe la kala soo dhaweystay.