Xog: Xilliga ay Soomaaliya ku biiri karto ururka EAC iyo dalalka illaa hadda ogol

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu codsiga Soomaaliya la wadaagay madaxda ururka Bulshada Bariga Africa (EAC), oo laba cisho ku shirsanaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Hoggaamiyaha Soomaalida ayaa shirka la wadaagay sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay Bariga Africa, sida ay u dooneyso xubinimada ururkaan, ogaalkeeda abaalka dalalka Bariga Africa u galeen iyo muhiimada marxadda soo socota ee gobolka.

Waa markii seddexaad oo ay Soomaaliya gudbiso codsi la xiriira kamid noqoshada ururka East Africa Community, laba jeer oo hore oo ay Soomaaliya codsatay xubunimada ururkaan mar duruufaheeda ammaanka ayaa la aaminsan yahay inay diidmadeeda sababeen marna Kenya ayaa la tuhunsan yahay inay riixday Soomaaliya maadaama uu jiray khilaaf labada dal ah.

Marxaladdan cusub, rajada Soomaaliya ee xubinimada ururkaan waa mid sare. Inta badan Laba sano ayuu qaataa geediga xubinimada ururkaan.

Illaa lix wadan oo kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay ururkaan ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen in Soomaaliya xubin laga dhigo. Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa la tabiyey inay si togan usoo dhaweeyeen codsiga cusub ee Soomaaliya. Dalka South Sudan lama yaqaan booska ay arrinta Soomaaliya ka taagan yihiin waqtigaan.

Dadka arrimaha gobolka ka faalooda ayaa sheegaya in marka la eego war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ku dhammaaday Caruusha in Soomaaliya ay markan u badan tahay inay xubin ka noqon doonto ururkaan.

Waxaa la go’aamiyey in wafdi sare oo ka socda toddobada dal ee ururkaan xubnaha ka ah inay booqdaan Soomaaliya iyagoo eegaya u qalmidda Soomaaliya ee xubinimada ururka Bulshada Bariga Africa.

Waxaa jira dareen ururka dhexdiisa ah oo sheegaya in Soomaaliya laga dhaafo labada sano oo ay qaadato in dalka lagu qiimeeyo u qalmidiisa xubinimada, dalalka doodaas qabo waxaa kamid ah sida la sheegay Kenya oo iyadu wareejineysa hoggaaminta ururka.

Maadaama Soomaaliya ay 2016 iyo 2018 labadaba soo gudbisay codsigeeda xubinimada dalal ay Kenya kamid tahay waxay qabaan, sida la sheegay, inaan Soomaaliya labada sano lagu celin oo inta sanadkaan ka dhiman lagu soo afjaro u ogolaanshaheeda xubinimada.

Hoggaanka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya fursad weyn u tahay xubinimada ururkaan. Kalamdihii uu madaxweynaha ka jeediyey shirkii Caruusha wuxuu ku sifeeyey dadka Soomaalida inay yihiin kuwa u bisil ganacsiga heystana dal hodan ah oo uu dhex ceegaago kheyraad badan.

Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa ku firirsan dalalka xubnaha ka ah ururkaan ee Kenya, Uganda, Congo, Rwanda, South Sudan, Tanzania iyo Burundi. Ogolaanshaha xubinimada wax badan ayey u tari doontaa ganacsatadaas Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalkaas.

Fududeynta socdaalka waa booska ugu weyn ee laga faa’idi doono ku biirista ururkaan. Toddobada dal ee ururkaan ku bahoobay ayey dadkooda si fudud isugu safraan, daganaansho uga helaan dalka ay doonaan loona fududeeyaa dhammaan waxyaabaha la xiriira socdaalka, maadaama ay isku furnaanta socdaalka aragti weyn ka dhex tahay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn u bogaadiyey tallaabada uu madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday ku biirista ururkaan fursadaha badan.