Golaha Shacabka oo meel-mariyay talaabadii uu qaaday gudoomiye Aadan Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir-guddoominayay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa lagu ansixiyay magacaabis uu dhawaan sameeyay guddoomiyaha.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Habdhawre ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre ku-xigeenka 2-aad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim.

“Xubnahaan oo uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa codka Haa ku ogolaaday 175-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday halka laba xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.”

Magacaabista labada habdhowre ku-xigeen ayaa imanaya kadib markii uu guddoomiyaha Golaha Shacabka la tashi kala sameeyay ku-xigeenadiisa, islamarkaana uu ilaaliyay nidaamkii loo marayay magacaabista.

Ansixinta kadib qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka ka jeediyay warbixino la xiriira dhibaatooyin ka jira deegaano ka tirsan gobolka Bakool, halkaas oo dhowr jeer weeraro ka geysteen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.