Xog-warran: Arrimaha Deni uu tabanayo, tallaabooyinka uu qaaday iyo haddii ay dib isu qaadan karaan Xasan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweeyey iyadoo sidoo kale ay Garoowe sii joogeen xubno ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruushe.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Itoobiya ay wada-hadalo toos ah la billowday maamulka Puntland xilli ay gacan dhaaf ku sameeneyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Puntland weli waxaa socda muddo xileedkii Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo hungoobay qorshihiisa madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalana lagala dul booday kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu si weyn u raadinayey lana sheego in laga ballan qaaday.

Iyadoo dhinaca kale, cadka ugu weyn ee Puntland ka heshay dhismaha xukuumadda cusub la siiyey xoghayihii urur siyaasadeedka mideeyey ee Puntland, kaasi oo ay Saciid Deni si weyn ugu loolamaan deegaanka.

Isku xirka dhacdooyinkaan waxay ku siinayaan halka uu Deni ka taagan yahay cilaaqaadka Villa Somalia, haddana sidaas oo ay tahay kama dhign inaysan madaxda federaalka ah booqan karin lana doodi karin Puntland, ama aan laga wada-shaqeyn karin arrimaha danta guud.

Wada-shaqeynta Puntland ee xilligaan waa u muhiim madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin natiijada wada-shaqeyntaasi waxay ku xiran tahay sida isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni isku qaataan.

Siyaasiyiinta reer Puntland qaar waxay sheegayaan inuu Deni gaaray meel ay adag tahay inuu dib u aamino siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Waxaa loo diiday garab xilli uu hoggaaminayey wareegii hore ee doorashada madaxtinimada, wuxuuna marqaati ka noqday in musharixii kaalinta saddexaad uu xukunkii qaatay. Waxay aheyd markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka Soomaaliya oo ay dhacdo in qof kaalinta seddexaad galay wareegii hore ee doorashada inuu ugu dambeyn xukunka ku guuleysto.

Hadda is aaminaad dambe muhiim maahan, laakiin wada-shaqeyn furan in la helo waa u muhiim dowladda dhexe iyo Puntland labadaba.

Maamulka ugu cimriga dheer maamul goboleedyada hoos taga dowladda federaalka ah wuxuu lumiyey mashaariic iyo wax wada-qabsi badan oo uu la sameynsan karay dowladda dhexe ee Soomaaliya mudadii uu Villa Somalia joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba waxay qabeen Farmaajo diid, waxayna taasi dhaawacday waxyaabihii ay Puntland ka faa’idi jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Inuu Saciid Cabdullaahi Deni dhabarka xijiyo wada-shaqenta dowladda dhexe waxay ka dhigan tahay in federaalkana wax badan oo wadajir lagu qaban karay kasii xayirmi doonaan, Puntland ay lumin doonto wax badan oo ay wadajir ku heli laheyd.

Siyaasiyiinta reer Puntland waxay leeyihiin Saciid Cabdullaahi Deni waxaa hortaalla inuu hagaajiyo cilaaqaadka Puntland iyo dowladda federaalka ah oo muddo xumaa oo uusan arrinta ku dabaqin rabitaankiisa iyo inuu waayey wixii uu Xasan Sheekh ka filayey oo aheyd ra’isulwasaaranimo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn u door bidayo inuu wada-shaqeyn fiican la yeesho maamulka Puntland.

Su’aasha ah isaga iyo Saciid Deni ma is qaadan karaan xilligaan? Dadka waxay badi uga jawaabayaan haa iyo maya is huwan.

Diidamadaan iyo ogolaanshaha is huwan waxay dadka soo jeediyey ku fasireen in Saciid Deni uusan siyaasad ahaan ula falgeli doonin hoggaanka cusub ee Villa Somalia balse ay u badan tahay inuu Xasan Sheekh u bandhigi doono qaab loo maareyn karo waxyaabaha danta guud ee isaga xiran Puntland iyo dowladda dhexe.