Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Tigray iyo TPLF oo qabsatay magaalo muhiim ah

Mekele (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogaystay dagaalka dib Arbacadii dib uga qarxay dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF ee maamusha gobolka Tigray, ayada oo mucaaradka ay guulo sheegteen.

TPLF ayaa sheegtay “in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay iska caabiyeen weerarka ciidamada dowladda, islamarkaana ay wiiqeen saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey.”

“Waxaan dhaafnay furintii dagaalka ee mucaaradka, waxaana qabsanay magaalada muhiimka ah ee Kobo oo ka tirsan gobolka Amxaarada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka TPLF.

Dowladda ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka baxeen magaalada Kobo, balse waxay ku sheegtay xeelad dagaal, oo sida ay tiri lagu badbaadinayo shacabka.

“Si looga fogaado khasaare xoog badan oo ka dhaca gudaha magaalada haddii rasaas la isku weydaarso, ciidamada difaaca waxaa qasab ku noqotay inay ka baxaan magaalada Kobo oo ay difaac ka galaan duleedka magaalada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Jimcihii, ayada oo dagaalka uu sii xoogaystay, ayaa ciidamada dowladda waxay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Mekele ee caasimadda Tigray ay ku dileen afar qof oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur. TPLF ayaa tirada dhimashada gaarsiisay illaa toddoba.

Addis Ababa waa ay beenisay inay beegsatay goobo shacab , waxayna ku doodday in weerarada lag  fuliyey goobo militari.

Hase yeeshee weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn caalami ah, ayada oo dhinacyada cambaareeyey ay ku jiraan hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF iyo dowladda UK.

UNICEF waxay sheegtay in duqeynta ay ku dhacday iskuul xanaanada caruuurta ah, ayna ku dhinteen dhowr caruur ah, islamarkaana kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.  

Xabad-joojin la gaaray bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaarsiiyo gobolka oo QM ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul. 

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas. 

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad.