Maxaa sababay kacdoonka qabaa’ilka ee Al-Shabaab ku wajahan? (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ka socday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo qabaa’iilada qaar ay bilaabeen, kuwaas oo dagaalo toos ah la galay kooxda.

Markii uu soo shaac baxay kacdoonkaan looga hor yimid Al-Shabaab, kooxdu waxay ku kacday gabood-fallo waaweyn, in ka badan 20 qof oo shacab ah ayey habeen ka hor ku dishay inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay halkaas Al-Shabaab ku gubeen ku dhowaad 10 gaari oo dadkii ay laayeen u raraa, horay waxay dadkaas uga burburiyeen ceelashii biyaha iyo isgaarsiintii, waxayna dadka iyo duunyada u dileen Oon iyo Jaago.

Haddaba, sidee ayay awooda kooxda Al-Shabaab u wiiqi karaan kacdoonada uga imaanaya qabii’illada Soomaalida qaar? Sidoo kale dowladda Soomaaliya sidey uga faa’ideysan kartaa dagaalka ay shacabku kula jiraan Al-Shabaab.?

Maxamed Sheekh Xuseen oo ka faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la hor dhigay su’aalahaas, wuxuuna ugu horeyn sheegay in weerarkii shalay ku tilmaamay mid jawaab u ahaa dhaq-dhaqaaqyada looga soo horjeedo Al-Shabaab ee ka socda Hiraan iyo meelo kale, isla markaana ay digniin ugu dirayeen qabaa’ilka isku diyaarinaya howlgallada ka dhanka ah.

“Dhibaatadii shalay ay geysteen Al-Shabaab waxay macno u tahay in baaq loo dirayay dadkii dhaq-dhaqaaqyada meesha ka waday oo lagu cabsi galinayo, waxay ku xiran tahay sida dadka deegaanka ay uga jawaab celiyaan oo ugu istaagan amnigooda iyo dantooda guud,” ayuu yiri Maxamed Sheekh.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay si xaaladda amni ee dalka wax looga qabto in madaxda sare ee dalka ay sameeyaan isbedel dhanka talisyada ciidanka ah ama ay kalsooni buuxda siiyaan kuwa hadda jooga xafiisyada.

“Waxaa fiican in amniga loo dhiibo dad ay wada-shaqey karaan madaxweynaha oo karti iyo aqoon u leh waxa laga shaqeynayo oo amniga dalka ah, haddii ciidanka kuwa jooga aan la badaleyn, waa in kalsooni la galiyo ay meesha ku joogi karaan, kuna qabtaan shaqada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray falanqeeye siyaasadeed Maxamed Sheekh.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, kadib weerarkii bahalnimada ahaa ee shalay ay ku dileen dad ku u dhaafaya 20 qof oo shacab ah.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay Hiiraan ku gubeen sideed gaari oo sahay ay ku wateen dadka ay laayeen, war ay ka soo saareen dhacdadaas xanuunka badana waxay ku faaneen inay laayeen macawiisley dagaal kala hor timid, carada loo qaaday Al-Shabaab ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.

Dhinaca kale Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay ku toogatay shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhamaantood ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Todobaad ama bil kasta Al-Shabaab waxay toogtaan dhowr qof oo basaasnimo ay ku eedeynayaan, dadkaas waxay ka qabtaan deegaanada ay maamulaan, xukunka kooxdaan ay fulisana waa dil oo kaliya.

Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maalmahaan laga dareemayaa kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo qabaa’ilku ay sameynayaan, waxaana kasii horeysay Mudug, kacdoonkaan ayaa ka dhashay cadaadiska iyo xasuuqa aan loo meel-deyin ee kooxdu bilowday wayahaan dambe.

Hoos ka dhageyso wareysiga falanqeeye siyaasadeed Maxamed Sheekh.