Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo Putin oo go’aan ku dhowaaqay

Moscow (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa sii wada duqaymaha dhinaca cirka ah ee ay ka geysanayaan magaalooyinka Ukraine, iyaga oo ugu yaraan afar gantaal ku garaacay ama ku duqeeyey magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv.

Ciidamada Ukraine ayaa iyagana duqaymaha Ruushka kaga falceliyey madaafiic ay ku garaaceen goobo rasaasta lagu kaydiyo oo ku yaalla gudaha Ruushka.

Qaraxyo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in Jimcihii laga maqlay xarun ku taalla gobolka Belgorod ee dalka Ruushka. Xogta weerarkan waxaa barta bulshada ee Telegram ku faafiyey guddoomiyaha gobolkaas, hase ahaatee saraakiisha Ukraine ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Dagaalladan cusub ee ka socda Ukraine ayaa ku soo beegmaya iyada oo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu difaacay tallaabadii ugu dambaysay ee kor u sii qaaday xiisadda dagaal, kadib markii uu ciidamo dheeraad ah u soo diray dalka Ukraine.

Putin ayaa Jimcihii sheegay inaan loo baahnayn weeraro cusub oo lagu qaado Ukraine, isla markaana wuxuu sheegay in Ruushku aanu raadinayn inuu dalkaas burburiyo. 

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku adkaystay inaanu ka qoomamaynayn dagaalka Ukraine, iyo tallaabadii uu dhowaan ku abaabulay illaa 222,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu biiraan dagaalka.

Shir jaraa’iid oo uu madaxweyne Putin ku qabtay Jimcihii magaalada Astana ee dalka Kazakhstan ayuu ku sheegay in illaa 16,000 oo ah ciidamo cusub oo la qoray in la hawlgeliyey, si ay u gutaan waajibaadka hawlaha dagaal.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo werisay dhimasha ugu yaraan toddoba askari oo ka mid ah askartii dhawaan la qoray. Khasaarahan ayaa imaanaya iyadoo wasaaradda difaaca ee Ruushku ay wajahayso dhaleeceyn uga timid falanqeeyayaasha militariga Ruushka ee caanka ah ee taageera dagaalka ka dib markii ay furimaha dagaalka u direen askar aan tababarnayn.

Saacado ka hor inta uusan hadlin Putin, gantaalada Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah waxay beegsanayaan magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Ukraine. Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay magaalada Mykolaiv ee koonfurta Ukraine, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhanka kale, militariga Ukraine ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen ciidamada Ruushka in ka badan 600 oo deegaan bishii la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda loo xilsaaray dib u soo celinta dhulalka sida ku meel gaadhka ah loo qabsaday.

Wasaaraddan ayaa sheegay in illaa 502 deegaan oo ku yaalla gobolka Woqooyi Bari ee Kharkiv inay dib u qabsadeen bishii hore, iyaga oo gudaha u galay Khadka difaaca ee Ruushka.

Xogta warbixintan: RFE/FL, Reuters, VOA iyo AP