Wasiir Jibriil: Ganacsatadu waxay toos uga qeyb-qaataan dilka shacabka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab ee dhinaca maaliyadda.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu leeyahay saddex weji oo kala ah dhanka milatariga, dhinaca fikirka iyo sidoo kale dhaqaalaha.

“Sidaad ogtihiinba dalka dagaal ayuu galay dagaalkaas oo saddex weji lahaa wejiga koowaad xaga milatariga iyo kan Ideology-ga iyo midka saddexaad oo maaliyadda ku saabsanaa in la gala dagaalamo qolyaha argagixisada ah,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey ganasatada Soomaaliyeed in ay si toos ah uga qayb-qaataan dilka dadka shacabka, maadaama buu yiri ay lacago siiyaan kooxda Al-Shabaab, taas lagu soo iibiyo hubka iyo qaraxyada ay adeegsato kooxda.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay si toos ah ayey uga qeyb-qaataan dilka shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay wax siiyaan ururkaas argagixisadda ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladda ay la wareegi doonto hantida shirkad kasta oo lagu helo in ay gacan-saar la leedahay argagixisada lagana laaban doono shatiga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu qaaday meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, kadib kacdoon ka bilowday gudaha dalka.