Dadkii Soobe lagu xasuuqay 5 sano kadib weli looma jawaabin

Muqdisho (Caasimada Online) – 14-kii October 2017-kii salaadii casir kadib waxaa dhacay qarax uu qof walba oo Muqdisho joogay xilligaas u mooday inuu ka dhacay illinka hore ee gurigiisa, waxaana daqiiqado kooban kadib soo yeeray aqbaar aan u wanaagsaneyn dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, taas oo aheyd inuu qarax xooggan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho.

Jawiga isgoyska Zoobe qaraxa ka hor wuxuu ahaa mid saxmad ah, gawaari waaweyn oo kasoo baxay dekadda magaalada Muqdisho, Bajaaj aan tirsi laheyn oo ay dad shacab ah saarnaayeen, gawaari raaxo oo aan xisaab laheyn, dad badan oo inta cariirigii jiray sugi waayey lugtooda isticmaalayey, xoogsato shaqo sugayaal ahaa oo ay meesha saldhig u aheyd iyo ganacsato nolol maalmeedkoodii ku jiray ayaa ku sugnaa goobta.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 ruux, dhaawucu kun waa ku dhawaa, waxaana ku burburtay hanta aad u badan, guri walba oo Soomaaliyeed ayuu gaaray xanuunka khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa taariikhda dhibaatooyinka iyo qaraxyada Soomaaliya. Waxaa isbitaalada Muqdisho buux dhaafiyey dhawaacyada, meydadka gubtay ee la garan waayey, dad baadi goob ugu jira dadkoodii, kuwa dhiig shubaya iyo dad u kacay inay si bileesh ah uga qeyb qaataan daaweynta dhaawacyada.

Qaraxaas kadib waxaa dhashay kacdoon dadweyne, dhallnyaradii Muqdisho iyo guud ahaan dadkii waxgalka ahaa ayaa dibadda u soo baxay, iyagoo u careysay Al-Shabaab, laakiin nasiib darro dadkii maalintaasi dhintay shan sano kadib weli ma helin cadaalad.

Kacdoonkii curtay dowladdii xilligaasi jirtay kama faa’ideysan, mana jirto cid dambe oo wax iska waydiisay xasuuqii Soobe, waxaa sii naaxay Shabaab-kii dadkaas laayey, saacad kastana waxaa laga filan karay fal ka fool xun kii Soobe ka dhacay.

Dadkii uu saameeyey qaraxii Zoobe ee 14-kii October waxay jawaabta ugu haboon ee aargudashada dhibkii gaaray u arki lahaayeen in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maanta ka sahlan sidii ay ahaayeen shan sano ka hor.

Wax ceymis ah looma sameyn dadkii ku hanta beelay qaraxii Zoobe, ganacsatada qaar ayaa ku baxay khasaaraha gaaray, halka qaarna horay loo waayey iyaga iyo hantidoodii, madaxweynihii dalka ee xiligaas Farmaajo ayaa bilo ka hor ololihiisii doorashada ku soo galay in haddii uu guuleysto uu bixin doono hantida ku burburta qaraxyada ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa intaasi dheeri ku ah in dalku uusan weli u diyaarsaneyn ka hor tagga musiibo noocaas oo kale ah iyo maareynteeda haddii ay dhacdo.

Tallooyinkii la bixiyey xilligaasi si dalka loogu diyaariyo ka jawaabista xaaladahaasi adag lama dhaqan gelin, dowladdii horana waa ka gaabisay arrintaas.

Iyadoo shidaal laga dhiganayo xusuustaan murugada badan iyo in aysan soo noqon dadku waxay ku talinayaan in dagaalka socda daacad laga noqdo, si loosoo afjaro kooxda Al-Shabaab oo muddo fog dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo 5 sano kadib isgoyska Zoobe laga dareemayo nolol caadi ah, hadana waa xasuus xanuun badan oo mar walba hortaalla dadka Soomaaliyeed in Al-Shabaab laga adkaadana waxaa loo arkaa midda ugu dhow ee dhayi karta boogaha xasuuqii dhacay.

Madaxda hadda hoggaamisa dowladda waxaa la filaayey inay dagaalka socda uga faa’ideystaan munaasabadaan oo ay ku heli lahaayeen ciidan iyo cudud shacab, laakiin si weyn loogama dareemin dhankooda.

Dhacdadii Zoobe waa bar-madow oo aan ka hari doonin kooxaha argagixisada ah ee dagaalka aan hadafka laheyn ka wada Soomaaliya.