Taliyihii ciidamada DAB damiska GEBILAY oo biyo xireen ku dhintay maanta

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in taliyihii ciidanka dab damiska magaalada Gebilay Caydaruus Cumar Ibraahim uu ku geeriyooday Biyo-Xireenka magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dab damiska.

Marxuumka oo u dabaal-degay biyo xireenkaas ayaa ku dhacay meel mool ah sida uu xaqiijiyey hoggaanka dab damiska Somaliland.

Cabdifitaax Maxamed Sulux oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dab damiska Somaliland oo ka warbixiyey dhacdadaan ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen, balse ay ku guul dareysteen in ay soo bad-baadiyaan marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.

“Howsha waqti hore ayaa billawnay, dedaal badan ayaa sameynay innaga oo ka fogaaneyno in aan nafteena halis kale gelino, Biyo-xidheenka waa mid joog dheer, biyo badan ayaa jiifa, afar askari ayaa la socotay oo u dabbaaltagtay Biyo xireenka” ayuu Cabdifitaax Sulux.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taliye Caydaruus uu ciidamada dab damiska kusoo biiray 2018-kii, kadib markii uu guuleystay imtixaan laga qaaday xilligaasi.

“Caydaruus waxa uu shaqada ciidanka Dab-damiska ku biiray 2018kii kaddib markii uu kamd noqday Rag ka gudbay Imtixaan laga qaaday, waxa uu qabtay howlo kala duwan oo la xiriira shaqada uu hayay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Somaliland ayaa haatan ciidamada quusa geysay magaalada Gebilay si looga hortago haliska ka dhalan karta waqtiyada qaar Biyo-xireenka Magaaladaas.