Sawirro: Xasan Sheekh oo u safray Masar + Ujeedka

Sharma-Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cimillada adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimillada  Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigaya qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada.

Shirkaan uu ah mid caalami ah, isla markaana ay isugu imaanayaan madax aad u badan ayaa ka furmaya magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ka ambabaxay Muqdisho, waxayna gaareen magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka bii’ada iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkaan ku wehliya.