Dhageyso: Askarigii darawal-ka ku toogtay Balcad oo lasoo qabtay iyo halka lageeyey

Balcad (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari si bareer ah u toogtay darawal gaari, sida uu sheegay guddoomiyaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa la hadlay idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in lasoo qabtay Askarigii darawalka dilay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kiiskaan deg deg loogu gudbiyey maxkamadda ciidamada, si cadaaladda loo hor-geeyo eedeysanaha, waxaana askarigii dilka geystay lagu soo xiray xarunta dembi baarista booliska ee CID-da.

Darawalka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Seylax Cabdulle, xilliga la dilay wuxuu waday gaari Hoomey ah, isagoo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa degaanka Caadley ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ninkaan ayaa isku deyey inuu baxsado markii uu toogtay darawalka, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada ammaanka, isagoo katiinadeysan ayaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lasoo taago maxkamadda ciidamada.

Askarigaan ayaa darawalka u dilay lacag yar uu shilin Soomaali ah, gaari Homey ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayuu waday, wuxuuna ku sii jeeday degaanka Caadley, balse askarigaan oo isbaaro u taalay ayaa toogtay, kadib markii ay ku murmeen lacagtii uu weydiistay ee isbaarada.

Hoos ka dhageyso wareysiga