R/W Xamza oo ku wajahan degmo dhawaan la xoreeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safar ku tago degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa ah degmo muhiim ah oo sanado badan ay ka talinayeen argagixisada, waxaana xiligaan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda.

Degmada ayaa laga dareemaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana la sheegaya in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xamza ayaa dhiiri-gelin doona ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, oo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa haddii uu tago degmada Aadan Yabaal waxa uu noqon doona masuulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi taga tan iyo markii la aas-aasay maamulka HirShabelle.

Deegaano u dhow Aadan Yabaal ayaa waxa xiligaan ku sugan madax ka tirsan dowladda federaalka & maamulka HirShabelle oo u sareeyo madaxweyne Guudlaawe, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi kusoo dhaweyn doona ra’iisul wasaaraha.