Sawirro: XASAN oo DALAB culus u gudbiyay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gar ah ka wada magaalada Washington, wuxuuna Mareykanka hordhigay dalab culus oo ku aadan cunaqabateynta hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa xalay kulan doceed la yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield. 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay saameynta ay dagaalkan ku leedahay cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyadda Mareykanka ka dalbaday in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xalay kulan kale la yeeshay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka, kaas oo ku aadanaa xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, ayada oo kulanjka lagu soo qaaday dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu socday shirka kuso soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, ayada oo madaxda dhankooda ay ku boggaadiyeen  guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Hiiraan iyo  Shabeellaha Dhexe.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada