Xasan Sheekh oo hal arrin u ballan-qaaday K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray xiisadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u dhexeeyay madaxwene Lafta Gareen iyo mucaaradka ayaa sameeyay ballan-qaad ku aadan heshiiskaas oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore boggaadiyay heshiiska ay gaareen labada dhinac, kadib maalmo ay wada-hadallo ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo uu laba jeer madaxweynuhu u tegay, xal u helida Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahad-celiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay dib u heshiisiinta oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka ee maamulkaas.

“Waxa aan rabaa in aad aad iyo aad ugu mahadceliyo dadka reer Koofur Galbeed guud ahaan gaar ahaan dadka magaalada Baydhabo degan ee muujiyay si xilkasnimo ah, dulqaad aad u badan, muujiyay in ay u hiilinayaan oo wax weliba u hurayaan nabadda iyo xasiloonida, Mucaaradka oo intii tanaasul ah intoodii badnaa sameeyay, maamulka Madaxweynaha uu hoggaaminayo oo muujiyay is baddelo waaweyn, Odoyaasha dhaqanka oo aan ka caajisin in la boogo dhayo wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa ballan-qaad u sameeyay reer Koonfur Galbeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay hubineyso dhaqan-galka heshiiska xalay lagu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

“Dowladda Federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista iyo  arrimaha lagu ballamay hubinteeda iyo xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo iyo in laga ballamo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in qof kasta oo ka horyimaad wixii lagu heshiiyay ay gacanta ka qaban doonto dowladda, si looliyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Qofkii ka leexanaya wixii lagau ballamay in dowladdu gacanta ka qabato oo dhahdo ka joog, in la ilaaliyo nabadda, kalsoonida iyo qalbiga Dadka waaye dardaaranka guud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaray shirkii Baydhabo, kaas oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Lafta Gareen iyo Mucaaradka oo ugu dambeyn ogolaaday muddada halka sano ah ee loogu daray hoggaanka maamulkaasi.