DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah qareenka matalaya musharaxiintii kursiga HOP086

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan ka mid ah musharaxiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay Fahad Yaasiin loogu diiday ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku eedeynayaa xafiisyada xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee dalka, kadib markii ay soca weysay dacwad ka dhan ah doorashadii kursigaas.

Musharaxiintaan ayaa sheegay in la xiray qareenkii ay qabsadeen, kaas oo ugu dambeyntii u cadeeyey in culeyska la saaray dartiis uu uga harayo kiiskaan, sidoo kale waxay sheegeen in amniga qareenkaas ay ka welwelayaan.

Musharaxiinta ku saxiixan bayaankaan waxay hoggaanka maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka ku eedeeyeen inay hor istaageen xuquuqdoodii dastuuriga aheyd, isla markaana ay meesha u joogaan raali gelinta ragga haya talada dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta oo dhameystiran:

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo cid walba oo ay khuseyso arrimaha maalmahan ka taagnaa kursiga HOP086 la wadaagaynaa in qareenkii aan qabsannay shalay subaxii loo kaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyadoo uusan jirin amar maxkamadeed.

Qareenka oo aroortii hore u tagay Maxkamadda, si uu u xareeyo dacwadda aan u wakiilannay ayay ciidamo ka tirsan Asluubta si khasab ah ugala baxeen gudaha Maxkamadda, waxayna Xeer Ilaalintu sii daysay kadib dhawr saacadood oo su’aalo la waydiinayay.

Qareenku isaga oo tixgalinaya duruufaha ku xeeran kiiskan wuxuu noo caddeeyay in sababo isaga u gaar ah awgood uu kaga laabanayo difaacidda kiiskan, uuna dib noogu soo celiyay wakaaladdii uu naga qaaday.

Waxaan ka warhaynaa guuxa ka dhexjira Ururka Qareennada Soomaaliyeed ilaa shalay ee la xiriira kiiskan, innagoo ku boorrinayna inay difaacaan xadgudubka loo gaystay saaxiibkooda.

Waxay noola muuqataa in Maxkamaddii Sare iyo Xeer Ilaalintiiba ay noqdeen hay’ado aan u madax bannaanayn hawlaha garsoor ee loo igmaday, ayna ku shaqeynayaan rabitaanka iyo siyaasadaha kooxda haysa talada dalka, waxayna si bareer ah is hortaag ugu sameeyeen xuquuqaheenna dastuuriga ah.

Waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo noo muujisay garab istaag, annaga oo ka dalbanayna hay’adaha amniga inay masuuliyad gaar ah iska saaraan badqabka qareenka oo aan walwal ka qabno.

  1. Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane)
  2. Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan)
  3. Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdulcasiis
  4. Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin
  5. Cabdinuur Maxamed Axmed