Cabdirisaaq Khaliif oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirsaaq Khaliif oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee magaaladaasi, isaga oo si kulul ugu jawaabay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Cabdirisaaq Khaliif oo u warramay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa ka jawaabay eedeynta Somaliland ee ku aadan in argagixiso ay ka dagaalameyso Laascaanood, isla-markaana isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu garab siinayo kooxahaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu la socdo ficillada xukuumadda, balse waxa uu tilmaamay inay uga sii darayaan xaaladda taagan, ayna sii kicineyso dareenka shacabka.

“Aniga runtii i damqi-meyso waan maqlayey dad noocaas u hadlaya oo aan laheyn macno badan waxaanse is leeyahay waxay ku hadlayeen afka xukuumadda,” ayuu yiri Khaliif.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in madaxweyne Biixi aysan daacad ka aheyn xabad joonin, isla-markaana uu isagu xagal daaciyay wax kasta oo lagu gaari lahaa nabadda.

Mr. Khaliif ayaa sidoo kale soo hadal qaaday khasaaraha soo gaaray dadka shacabka iyo barakaca ka dhashay dagaalka maalmaha badan qaatay ee ka dhacay Laascaanood.

“Dhibka magaalada ka dhacay wuxuu isugu jiraa mid nafeed oo aad u ballaaran oo lagu qiyaasi karo dad ka badan 200 oo qof inay ku dhinteen dhinaca shacabka, waxaa dhaawac soo gaaray in ka badan lix boqol oo qof” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Waxa kale oo uu raaciyay “Waxaa burbur soo gaaray kaabayaashii dhaqaalaha iyo goobihii adeegga guud oo ay ugu horreeyaan isbitaalka, burburkaas wuxuu soo gaaray masaajidada”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in duqeynta lagu garaacay magaalada uu xittaa burbur kasoo gaaray gurigiisa oo ku yaallamagaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Guriga aan daganaa duqeymaa ku dhacay burburna wuu gaaray, wuxuuna kamid ahaa guryihii magaalada ee sida ba’an loo duqeeyay,” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.