Xasan Sheekh: ATMIS wax ay noo qaban weysay, ayay qabteen ciidanka xoogga

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay saraakiishan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida dagaalka Al-Shabaab, doorka ATMIS iyo ammaanka guud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan. “Dhibaatada Soomaaliya heysta maanta Askari ma’ahan ee waa Sarkaal la’aan,” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in dhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadeen tallaabo aad loogu baahnaa, isla-markaana ay qabteen wax ay 15 sano qaban weysan AMISOM oo hadda loo yaqaano ATMIS, taas oo muddo fog ka howlgaleysa dalka.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka muddada yar,” ayuu yiri.

Madaxweynaha dowladda federaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya aysan cid kale wax u qaban karin, isla-markaana ay iyadu kaliya dhisan karto dowladdeeda, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in la’is kaashado guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Dalkeenna isaga oo dowlad leh oo dhisan annagaa duminnay, hadda in aan dhisno oo dowlad u yeelno annaga uu naga sugayaa, gaashaanbuur NETO haddii ay timaado dowlad nooma dhisi karto. 33 dawladood Ciidankooda ayaa Soomaaliya yimaaday dhawr sano ka dib way isaga baxeen.” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan loo yaqaano Macawiisleyda.