29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Muxuu Xasan kala hadlay wasiir Aadan Barre + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu horkacayay wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Bare Ducaale oo saaka yimid Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Aadan Barre Ducaale kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku hayso labada waddan.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli dadaalka uu socda, uuna muhiim yahay in ciidamadu ay gaaraan dhulka ay weli maamulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka difaaca Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageerida halganka lagula dagaalamayo Shabaab.

Waxaa kale uu ballan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonaan dhanka ammaanka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda ee haatan ka socda gudaha dalka.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay dalkeeda ka fuliso weeraro.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

- Advertisement -

Read more

Local News