25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wiil iyo Abtigiis oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Rustenburg (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay gudaha magaalada Rustenburg ee gobolka North West, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ganacsiga u tegay halkaasi.

Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xasan Cali, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Sidoo kale labada marxuum ayaa kala ahaa Wiil iyo Abtigiis sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku baxay dilkooda.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumiinta oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla xaafad hoostagta magaalada Rustenburg ee dalka Koonfur Afrika ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib toogashada wiilashaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda gobolka waqooyi galbeed ee dalkaasi Mustafa Shirwac Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in marka hore ganacsatadaas Soomaaliyeed uu soo gaaray dhaawacy, balse ay mar dambe ku geeriyoodeen gudaha isbitaalkii loola cararay.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Weerarkan lagu beegsaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyay cabsida ay wajahayaan ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News