Dhageyso: Maxaa ka jira inay soo noolaanayaan kooxihii Burcad-badeeda Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaadkan waxaa soo korortay cabsi laga qabo inay dib u soo noolaadaan kooxihii burcad-badeedda Soomaaliya, kadib markii xeebaha Soomaaliya ay dhowaan ka dhaceen weerarro lagu beegsaday maraakiib iyo doomo marayey biyaha Soomaaliya.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay inay soo furteen doon kalluumeysi oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, doontaas waxaa laga lahaa dalka Iran.

Ciidamada Midowga Yurub eek a howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa 22-kii bishii hore sheegay in doontaas oo lagu afduubtay xeebta magaalada Eyl ee Puntland ay soo furteen kuna wareejiyeen ciidamada badda Soomaaliya.

Dhacdo labaad oo afduub ah ayaa laga soo weriyey xeebta degmada Qandala ee Puntland, sidoo kale Iran ayaa iska laheed doontaas kale ee la afduubtay, waxaana marki hore loo maleynayey inay afduubteen kooxo Xuutiyiin ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa 26-kii bishii hore qabtay shan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyey burcad badeednimo, kadib markii ay weerareen Markab marayey biyaha gacanka Cadan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in markii hore loo qaatay in raggaasi ay yihiin kooxda Xuutiyiiinta ah ee ka dagaalanta Yemen, balse dib laga ogaaday inay Soomaali yihiin.

Dhacdooyinkaan waxay dib u soo abaabuleen cabsi laga qabo inay soo noolaadaan kooxihii burcad-badeeda Soomaalida ee laga taqalusay, isla markaana ay ku baahaan xeebaha badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa sheegay in falalkaan ay dhacaan inta badan markii ay xeebaha Soomaaliya ku soo bataan doonyaha iyo maraakiibta sameynaya kalluumeysiga sharci darro ah.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintsan aysan dhayalsa doonin, maadaama ay jiraan dadka ku dhex dhuunta cabashada ka imaaneysa kalluumeysatada, kuwaas oo soo qabta ajaanibta, sida ay madax-furasho u helaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista ee VOA oo ku saabsan arrintaan