Daawo: Askari Muqdisho ku toogtay haweeney da’ ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor-geeyey askar ka kala tirsan NISA iyo Booliska oo loo heysto dil haweeney waayeel ah loogu geystay banaanka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi, halkaas oo dacwo ay u tagtay.

Axmed Maxamed Ibraahim oo ka tirsan dharcadda NISA ayey ka bilaabatay shaqaaqadaan oo 14-10-2023, Axmed ayaa tegay saldhigga, isagoo raadinaya wiil lagu soo xiray oo la dhashay gabar uu xiriir jaceyl kala dhexeeyey Axmed.

Intaas kadib Axmed oo doonayey inuu gudaha u galo saldhigga ayaa waxaa u diiday booliska, wuxuuna soo watay saaxiibadiis oo dharcad kale ahaa.

Intaas kadib booliska saldhigga iyo dharcadii NISA ayaa isku rasaaseeyey banaanka hore ee saldhigga, waxaana kaamirooyinka CCTV laga arkay Cabdulqaadir Maaday oo booliska ka tirsanaa oo toos u tooganaya haweeney da’ ah.

Rasaasta waxaa la sheegay inay markii hore bilaabeen xubnaha NISA oo doonayey inay xoog saldhigga uga furtaan wiil lagu soo xiray oo ku eedeysnaa inuu yahay ciyaal-weero.

Hooyo Faadumo Cabdi Maxamed oo halkaas ku geeriyootay waxay ka mid aheyd xubnihii saldhigga ka soo doonay wiilka loo heystay inuu yahay ciyaal weero.

Dhamaan xubnihii ku lug yeeshay shaqaaqadaas eek a kala tirsanaa Booliska iyo NISA ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada, si loogu ciqaabo ninkii dilay haweeneydaas.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigtay eedeymaha raggaas oo wata cadeymaha wixii ka dhacay banaanka hore ee saldhigga degmada Waaberi, waxaana muuqaalka laga arki karaa askariga toogtay haweeneyda.

Maxkamadda ayaa maanta dhageysatay kiiskaan, xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay eedeymaha iyo dalabkooda la xiriira xukunada ay doonayaan in la marsiiyo askartii is rasaaseysay, waxayna maxkamadda dib u dhigtay ku dhawaaqidda xukunkaan.

Hoos ka daawo