Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa war kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee caawa soo idlaaday.
Qoor-Qoor ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug-ba ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee laga gaaray barnaamijka deyn-cafinta oo Soomaaliya ay kaga baxday liiska waddamada deynta ku jira.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah, halgan iyo dadaal dheer loo soo maray.
“Waxaan caawa ummadda Soomaaliyeed la qaybsaneynaa farxadda weyn ee noo soo hoyatay, waxaa bogaadinayaa dhammaan intii ka door ka qaadatay howshaas mudada dheer soo socotay,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.
Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.
60 sano kadib caawa Soomaaliya laguma laha wax deyn ah, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.