27.9 C
Mogadishu
Friday, October 10, 2025

Sawirro: Qatar oo hal arrin u ballan-qaaday Soomaaliya kadib kulan ka dhacay Villada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa u ballan-qaaday Soomaaliya inay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee xilligaan u baahan tahay Soomaaliya, kadib kulan maanta ka dhacay Villa Soomaaliya.

Kulankaan oo ay wada qaateen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Abdullah Salem Al Nuaimi ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo gargaarka.

Danjire Abdullah ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, ayada oo dhawaan labada dhinac ay heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskaas oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

- Advertisement -

Read more

Local News