25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Daawo: Ciidanka ATMIS oo 12 sano kadib ka baxay Jowhar – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka ATMIS ayaa maanta ka baxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib muddo 12 sano ah oo goobaha muhiimka ah ee magaaladaas ay deganaayeen, si ay u sugaan amniga.

Jowhar ma joogo caawa hal askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS, waxaana amniga la wareegay ciidamada booliska, nabad sugidda iyo xoogga dalka.

Qorshaha ay ciidankaan maanta uga baxeen magaalada Jowhar ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda ciidamada ATMIS ay uga baxayaan Soomaaliya, kaas oo mar hore soo bilowday.

Taliyaha guutada 3-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta Jowhar ka sagootisay ciidanka ATMIS ayaa ciidanka qaranka kula dardaarmay inay gutaan masuuliyadda amni ee saran.

Sidoo kale Taliye Ibraahim Yuusuf ayaa saraakiisha ciidanka ATMIS u sheegay in masuuliyadda ay ku wareejiyeen ciidamada qaranka Soomaaliya aysan dayacmi doonin, sidoo kale wuxuu uag mahadceliyey sidii ay ula soo shaqeeyeen 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda HirShabeelle Cabdiraxiin Ciise Cadow ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii sagootisay ciidanka ATMIS, isagoo halkaas ka sheegay in ciidanka qaranka ay gaareen waqtigii lagu wareeji lahaa amniga qaranka.

Wasiir Cabdiraxiin ayaa sheegay in HirShabeelle ay ku kalsioontahay ciidamada qaranka ee la wareegay amniga magaalada Jowhar, isagoo u mahadceliyey ciidanka ATMIS ee 12-sano kadib maanta ka guuray Jowhar.

Dhamaadka sanadkaan waxaa lasoo gabagabeynayaa qorshaha joogintaanka dalka ee howlgalka ATMIS, waxayna ciidamada ATMIS bilo ka hor sidaan oo kale uga soo baxeen magaalooyin kale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe, sida Ceelbaraf.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News