27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog cusub oo laga helay sida ay Puntland ku soo galeen ajaaniibta Daacish

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa haatan ka socda dagaal argagixiso midkii ugu adkaa oo ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda gobolka Bari.

Daacish ayaa ku xooggan dhulkan kala sarreeya, waxaana kooxda u dagaallama xubno ajaaniib iyo Soomaali isugu jira oo tababaro kusoo qaatay gudaha iyo dibadda intaba.

Haddaba, sidee ayay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish?

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa markii ugu horreysay shaaciyay xog cusub oo ku aaddan sida ay ajaaniibta Daacish, oo u badan xubnaha Carbeed, kusoo galeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, taas oo aan horay loo ogeyn.

Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha ajaaniibta ah ay ka kala yimaadeen dhowr dal oo u badan Carabta, ayna toos ugu biireen dagaalka Daacish ee gudaha Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sida ay ajaaniibta ugu suuragashay safarkooda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ajaaniibta Carbeed ee ku jira kooxda Daacish markii ay soo galeen deegaannada Puntland ay iska soo dhigeen qaxooti kasoo cararay colaadaha ka jira dalka Yemen, kadibna ay u gudbeen godadka ay ku dhuumaalaysaan Daacish.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ajaaniibta markii hore qaxooti ahaan kusoo dhaweeyeen dadka reer Puntland oo u qaatay walaalahooda, balse uu tilmaamay inay noqdeen cadow shisheeye oo kusoo duulay deegaankooda iyo dalkooda.

“Inta badan dagaallamayaasha argagixisada Daacish waxay Puntland kusoo galeen farsamo qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kadibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ajaaniibta qaar ay sidoo kale iska soo dhigeen dalxiisayaal, ayna kasoo dageen Itoobiya, kadibna soo galeen deegaannada Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan bilowday qorshe ballaaran oo ay ku xakamaynayso ajaaniibta soo galay deegaannadeeda, waxayna sidoo kale ururisay kuwii hore u joogay deegaannadeeda, oo qaarkood ay dib ugu celisay Itoobiya iyo dalalkii kale ee ay ka yimaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News