Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi Agaasimaha Guud ee Laanta Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo xoghayaha Amniga Gudaha, Thomas Saka.
Agaasime Dhuxulow ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay madaxda Kenyan ee uu la kulmay soo dhoweyntii diirranayd, wuxuuna kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan adeegyada socdaalka, gaar ahaan fududeynta safarrada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo helitaanka fiisaha dalka Kenya, oo mararka qaar dib u dhac ku yimaado.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la wadaagay mas’uuliyiinta Kenyan muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isu-socodka xuduudaha iyo adeegsiga nidaamyada dijitaalka ah ee casriga ah.
Dhankeeda, Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka dowladda Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dal iyo hagaajinta adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhi ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay u fududeeyaan isu-socodka shacabka labada dhinac.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
📞 +254-711830393
📧 [email protected]

