Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku dhiirigeliyey ciidamada qaranka, isagoo dalbaday in la joojiyo wararka been abuurka ah ee lagu niyad jebinayo ama lagu bahdilayo ciidanka.
Farmaajo ayaa sheegay in Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Shabaab ka xoreysay dowladdii uu hoggaaminayey, iyadoo uu socdo dhismaha ciidamada qaranka, Madaxweynihii hore ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda uu ku garab taagan yahay dagaalka Khawaarijta.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Farmaajo:
Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.
In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.
Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.
Hoggaanka dalka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka.
Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxaan ku dhiirri-gelinayaa in ay xoojiyaan taageeradooda iyo garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.