Muqdisho (Caasimada Online) –Hogaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo galabta Muqdisho yimid ayaa sheegay inuu ka qeyb gelayo oo lagu casuumay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo markii ugu horeysay uu maqaam ku yeeshay maamulkaas.
“Waxaan u imid Muqdisho in aan ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo markii u horeysay ay SSC-Khaatumo ka qeybgaleyso” ayuu yiri Firdhiye oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Aadan Cadde.
Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, isaga oo kasoo duulay magaalada Laascaanood ee xarunta ee dowlad goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana Muqdisho loogu soo dhaweeyey si weyn.
Madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, sida wasiirro, xildhibaanno iyo dadweyne loo diyaariyay soo dhaweyntiisa, ayaa garoonka uga hortegay FIrdhiye, waxaana heer sare la gaarsiiyey maqaamkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumay Cabdulqaadir Firdhiye waxaana lagu casuumay inuu ka qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo magaalada Muqdisho ka furmaya 5-ta bishaan May ee sanadkan 2025.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.
Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.
Hoos ka daawo