Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aannadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 10 qodob oo xasaasi ah.
Qodobada ugu muhiimsan ayaa waxaa kamid ah in xaaladda culus ee Jubbaland loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo maamul sharci ah.
“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.
Sidoo kale waxaa si rasmi ah loo aqoonsaday Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana shirweynaha dhismaha maamulkaas iyo dhameystirka hanaanka dowladnimo ee SSC loo xil-saaray inay ka shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in Dawlad-goboleedyada dalka ay guddiga doorashooyinka kala shaqeeyaan diiwaan-gelinta dadweynaha, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.
Qodob ka mid ah bayaanka waxaa hambalyo loogu diray xisbiyada is diiwaan geliyey, waxaana bayaankaan lagu taageeray hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka dhaqan galay.
Haddaba side looga fal-celiyay go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran?
Cabdirsaaq Sheekh Xasan: “GWQ kala bar sharci kuma joogaan, oo mudo xiloodkoodi waa dhamaaday, sidee doorasho xor iyo xalaal ah oga hadli karaan ayagoo baadil ku joogo xukunka?”.
Sharma’arke Cali: “Jubbaland-taan aan dhaafsaneyn magaalada Kismaayo waan qabaa in laga tashto”.
Cabdifitaax Dhaqaaje: “Qodobka aqoonsiga SSC-Khaatumo aad baan ugu farxay Wallaahi”.
Maxamed Cabdulqaadir: “Waa yaabee waxeey yiraahdeen maamulka Jubbaland sharci maaha, waa yehee maamulada kale miyeey sharci ku joogaan, ileen mar hore ayey sharciyadda ka wada dhacdayee?”.
Cabdirsaaq Xaashi: “Madal kala aragti duwan maba jirto haddii hal xisbi ay noqdeen”.