28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Maxaa kasoo kordhay taliyihii askarigu ku dilay furinta hore?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaale oo dhowaan askari ka tirsan ciidamadii uu xukumayay uu kusoo dilay furinta hore, gaar ahaan deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

Aaska taliyaha ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka gaashaadnigga, Axmed Macallin Fiqi, madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Dabageed, xildhibaanno, senataro, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo jannadii Firdowso, wuxuuna tilmaamay inuu dhintay, isaga oo u shaqeynayay dalkiisa iyo dadkiisa. Balse sooma hadal qaadin kiiska sida uu u dhacay iyo tallaabada xigtay ee la qaaday illaa iyo hadda.

“Col. Xujaale wuxuu ahaa shahiid naftiisa u bixiyay difaaca dalka, waxaan u tacsiyeynayaa ehelkiisa iyo ciidanka Xoogga dalka oo uu ka baxay marxuumka” ayuu yiri wasiir Fiqi

Dilka taliye Xujaale wuxuu yimid kadib markii askari ka tirsan ciidanka uu ku dhuftay xabad Dhashiike ah, xilli uu socday dagaal adag oo lagula jiray kooxda Al-Shabaab.

Sababta taliyaha loogu dhuftay xabadaas waxaa lagu sheegay in askarigu uu ku mashquulsanaa cilad-bixinta qorigaas, isla markaana ay ka fakatay xabadda ku dhacday taliyaha.

Xilligaas wax yar uun kahr waxaa istaagay dagaal ay ciidanka kusoo jabiyen Al-Shabaab, kadibna, waxaana dhacday toogashada taliyaha, taas oo dhalisay tuhun aad xooggan.

Askarigii dilka geystay ayaa haatan xiran, waxaana ku socdo baaritaanno dheeraad ah oo ay ku hayso dowladda Soomaaliya, maadaama uu gacantiisa ku baxay taliye muhiim ah.

Waxaa dilkan ka horreeyay mid kale oo isna dhowaan loo gaystay taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan.

Nuur Farey ayaa la dilay, xilli uu ku sugnaa xerada ciidamada, waxaana la xaqiijiyay in ninka ka dambeeyey dilkiisa uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, kaas oo isla goobta lagu dilay, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa gudaha xerada.

- Advertisement -

Read more

Local News