31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mucaaradka oo shaaciyey shuruudaha ay ku aqbali karaan doorashada uu wado Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka oo haatan si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho qof iyo cod ee ay wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ifiyay qaar kamid ah shuruudaha ay ku aqbali karaan hanaankan doorasho.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaciyay in loo baahan yahay in la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah iyo in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

Sidoo kale waxaa uu muujiyay baahida jiritaanka garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada, iyadoo agabka iyo qalabka la adeegsanayo uu noqonayo mid aan la iska maamulan karin.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur:

Doorasho waa xaq dastuuri ah oo dad iyo degaan lagu metalo, dadwaynuhuna aaminaan in codkooda ciddii ay u rideen uu si caddaalad ah ugu dhacayo. Si taa loo xaqiijiyana waa;

1- In la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah.

2- Waa in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

3- Waa in uu jiraa garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada.

4- Waa in agabka iyo qalabka la adeegsanayo uu yahay mid aan la iska maamulan karin.

Doorashada ay dadku diiddanyihiin;

1- Doorasho hal nin degsaday dastuurkeeda, sharcigeeda iyo xeerkeeda.

2- Guddiga maamulaya iyo garsoorkeedana isagu magacaabayo.

3- Agabka iyo qalabka codbixinta gacanta kaligii ugu jiro.

4- Dadwaynaha lagu qasabayo oo qori lala dultaagan yahay.

Taasi doorasho maaha ee waa xiisad iyo xasarad abuur horseedaysa colaad sokeeye iyo xasillooni darro siyaaseed.

- Advertisement -

Read more

Local News